Madaxweynaha Puntland Siciid Cabullaahi Deni ayaa sheegay in dowladda wax ka baddelayso nidaamka loo ilaaliyo madaxda, gaar ahaan marka la jooga caasimadda Garowe.
Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in nidaamkan oo isaga ugu horreyn doono la waafajin doono xeerka amniga caasimadda oo dhigaya in aan hubka qaarkiis lala dhexmari karin magaalada Garowe.
“Waxaan ballanqaadayaa oo anigu ugu horreeyo nidaamka ciidamada madaxweynaha la socda iyo hay’adaha kale dadka wadaba in aan qorshe fiican ka soo saarno” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Mas’uuliyiinta Puntland qaarkood ayaa gaadiid tikniko ah iyo ciidamo badan oo ilaalo ah ku dhexwata magaalada Garowe, taas oo aad loogu dhaliilo.
PUNTLAND POST