Puntland ayaa shuruud adag ku xirtay dhoofka dadka ka yar 40 sano, kaddib markii la ogaaday in safarro badan oo looga ambabaxo deegaannada Puntland ay ku lug yeesheen tahriib.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Boosaaso ayaa sheegay in qof ka yar 40 sano oo waalidkiis damiin ka ahayn ka bixi karin dalka.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qof ka yar 40 sano oo waalidkiis damiin ka ahayn uusan qaadan karin baasaboorka Soomaaliga, wuxuuna intaas ku daray in amaradan la faray dhammaan hay’adaha ay quseyso ee socdaalka.
Amaradan kuwa la mid ah waxaa hore looga soo saaray Muqdisho iyo Laascaanood, hase ahaatee waxaa la is weydiinayaa xayiraadahan xal ma u noqon doonaan tahriibka dhalinyarada Soomaaliya.
PUNTLAND POST