Puntland ayaa sheegtay in ay markale mamnuucday khamaarka 1xBet, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay shirka golaha wasiirrada oo maanta uu shir-guddoominayay madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor.
Puntland waxay hay’adda iyo shirkadaha isgaarsiinta ku wargelisay in ay si dhammaystiran ku joojiyaan khamaarka 1xBet oo ay ku tilmaantay in uu dhibaato ku hayo bulshada. Puntland waxay keliya xustay joojinta shirkadda khamaarka 1xBet, inkastoo ay jiraan shirkado kale oo khamaar oo aan magacooda la xusin.
Bishii Nofeembar ee sanadkii 2024 ayaa wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni lagu mamnuucay adeega shirkadda Khamaarka ee 1xBet, hase ahaatee go’aankaas sidii loogu talo-galay uma hirgelin.

PUNTLAND POST