Puntland ayaa kordhisay waqtiga howlgalka la dagaalanka argagixisada Daacish ee buuraha Calmiskaad, kaas oo markii hore qorshuhu ahaa in la soo gabagabeeyo 1-da bishan Diseembar.
Sida ay Puntland Post u sheegeen saraakiil ciidan waxaa la qorsheeyay in howlgalka lagu daro lix bilood oo dheeri ah, si loo soo afmeero firxadka kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysata meelo ka mid ah buuraha Calmiskaad.
Sidoo kale Puntland ayaa Calmiskaad gayn doonta ciidamo cusub oo qayb ka noqda howlgalkaas, kuwaas oo maalin ka hor tababar loogu soo xiray magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
Kordhinta waqtiga howlgalka Calmiskaad wuxuu kusoo aadayaa, xilli dhawaan Beesha Cali Saleebaan ay soo jeedisay in aan lagu dhawaaqin guul aan waqtigeeda la gaarin, si bay dhaheen aan baylah loogu noqon khatarta argagixisada.
PUNTLAND POST