Puntland ayaa ugu baaqday shacabka iyo maamulka Somaliland in xaaladda Awdal lagu xalliyo wadahadal, islamarkaana la ilaaliyo xasilloonida gobolkaas.
Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdinuur ayaa qoraal uu dhigay bartiisa Facebook ku yiri “Bulshada reer Awdal, guud ahaan shacabka iyo dowladda Somaliland waxaan ugu baaqayaaa in tabasho kasta oo jirta lagu abaaro oo lagu xaliyo wadahal. Xajista nabadii iyo xasiloonidii aad ku caano maasheen”.
Wasiir Cabdifataax waxa uu ka tacsiyeeyay dadkii ku nafwaayay iyo kuwa ku dhaawacmay mudaharaadyada ka dhacay Boorama, isaga oo bogaadiyay dadaallada lagu doonayo in lagu dajiyo xaaladda magaaladaas.
“Waxaan ka tacsiyeenayaa intii ku nafwaysay iyo intii ku dhaawacantay shaqaaqooyin ka dhacay Boorama. Waxaan bogaadinayaa dhamaan dadaaladda lagu dajinayo xaaladda” ayuu yiri wasiir Cabdifataax.
PUNTLAND POST