Puntland ayaa sheegtay in aysa jirin ciidan federaal ay u aqoonsan tahay oo sugan deegaannadeeda iyo heshiis arrintaas ku saabsan oo ay wada galeen labada dhinac.
“Dowladda Puntland waxay caddaynaynaa in aysan jirn wax ciidan ah oo ka baxsan kuwa dastuuriga ah ee Puntland oo ay u aqoonsan tahay in ay joogaan gudaheeda, mana jiro heshiis amni (Securety architect) oo ka dhaxeeya Puntland iyo Dawladda Federaalka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.
Puntland waxay xustay haddii ciidamo aysan ogayn laga qoro deegaannadeeda, wixii dhib ah oo arrintaas ka yimaada ay mas’uuliyadeeda qaadayso Dowladda Federaalka.
“Wixii dhib ah oo ka yimaada maleeshiyada ay xukuumadda Xamar qiratay in ay ka qoronayso Puntland, mas’uuliyadeeda iyada ayaa qaadaysa” ayaa la raaciyay war-saxaafadeedka.
Dowaladda Federaalka ayaa hore u sheegtay in ciidamada PSF ee Puntland oo hore Mareykanku u taageeri jiray ay si sharci ah ugu biireen ciidamada qaranka.
PUNTLAND POST