Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa la kulmay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro iyo wafdi ay hogaaminayso oo soo gaaray Garowe.
Kulanka waxaa looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka argagixisada Daacish & Al-shabaab, dimuqraadiyadda, mashaariicda horumarineed, gargaarka bini’aadantinimo iyo xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Midowga Yurub iyo Puntland, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.
Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenka Puntland wuxuu gooni gooni ula kulmay safiirka dalka Denmark ee Soomaaliya Danjire Steen Sonnen Andersen, safiirka safiirka Norway Ms. Merete Dyrud iyo diblomaasiyiin ka socda dalalka Sweden iyo Switzerland, kuwaas oo ka mid ahaa wafdiga safiirka Midowga Yurub ee soo gaaray Garowe.
PUNTLAND POST