Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka mid yihiin safiirada Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, UK, Denmark, Norway, Canada, Germany, Sweden iyo diblomaasiyiin sarre oo ka tirsan safaaradaha USA, Switzerland, Finland, France, Netherlands iyo World Bank.
Kulanka waxaa looga hadlay xaalada guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyadoo dowladda Puntland lagu boggaadiyey howlgalka ay argagixisada kaga ciribtireyso deegannadeeda iyo hirgelinta dimuqraadiyadda, sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay arrimaha bani’aadanimo iyo iskaashiga horumarineed.
Waxaa madaxweyne Deni kulanka kala qeybgalay wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa, wakiilka arrimaha siyaasadda iyo xiriirka caalamka Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, agaasimaha guud ee madaxtooyada Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo af-hayeenka iyo agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Jaamac Yuusuf Dabaraani.

















PUNTLAND POST