Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha lagu casumay ka qaybgalka munaasabadda furitaanka Matxafka Qaran ee Dhaqanka iyo Taariikhda Masar.
Qoraal ka soo bxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu kaga qaybgalayo furitaanka Matxafka Qaran ee Dhaqanka iyo Taariikhda Masar”.
“Madaxweynaha ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka lagu casuumay munaasabaddan, waxa uuna xoogga saaraya xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliyeed iyo dhiggooda dalka Masar” ayaa la raaciyay.
PUNTLAND POST