Maxkamadda gobalka Banaadir ayaa qoraal ay maanta soo saartay ku baabi’isay amarkii soo qabashada ahaa ee ay hore ugu riday madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.
Sidoo kale maxkamadda waxay ka laabatay gal dacwadeedkii ciqaabta ahaa ee hore ugu eedeeysay Axmed Madoobe, kaas oo ahaa in uu ku kacay faldambiyeedyo lid ku ah wadajirka & midnimada qaranka Soomaaliyeed, fal dambiyeed lid ku ah xog lala wadaagay dal shisheeye, iyo sidoo kale in uu ku kacay faldambiyeed lid ku ah nidaamka & dastuurka dalka.
Go’aanka Maxkamadda gobalka Banaadir wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo madaxweynaha Jubaland uu maalmaha soo socda soo gaari doono magaalada Muqdisho, halkaas oo uu uga qaybgelayo shirka madaxda Dowadda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST