Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka digay in dowlad goboleedyada gacanta loo geliyo maamulka doorashada xildhibaannada heer federaal, taas oo sida uu tilmaamay keeni karta xaalad ka sii xun tii hore.
Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay in ay wali talada hayaan hoggaamiyeyaashii dowlad goboleedyada ee hore u boobay kuraastii doorashadii hore, isla markaana haddii mar kale fursad loo siiyo in ay saameyn ku yeeshaan maamulka doorashada ay noqon doonto khalad weyn oo laga galay shacabka Soomaaliyeed iyo matalaaddooda siyaasadeed.
Cumar ayaa ku baaqay in dowladda federaalka ay aasaasto hal guddi oo si madax bannaan u maamula doorashada xildhibaannada, isagoo ku taliyay in meesha laga saaro guddiyadii doorasho ee heer federaal ee ay soo magacaabi jireen dowlad goboleedyada.
Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid wuxuu ka mid ahaa garabkii Madasha Samatabixinta ee heshiiska la galay Villa Somalia, haddana waa hoggaamiyaha xisbi siyaasadeed 6-dii September la diiwaangeliyay.
PUNTLAND POST