Iyadoo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay maalin ka hor ugu baaqeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu gebi ahaanba joojiyo wax ka baddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka, ayaa hadana waxaa la dardargeliyay sidii loo sii wadi lahaa qodobkaas.
Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay guddiyada u xilsaaran dib-ueegista dastuurka, waxaana intii uu kulanku socday guddoonka labada aqal lagu wareejiyayay soo-jeedimaha wax ka baddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka, iyo sidoo kale shintiriska (jadwaleynta) doodda soo-jeedimaha.
Todobaadka soo socda waxaa loo madlan yahay shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, wax ka baddelka dastuurkana waa qodobka ugu adag oo ay isku hayaan labada dhinac.
PUNTLAND POST