Madaxweyne Siciid Cabullaahi Deni ayaa maanta safar aan la shaacin ugu baxay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo saaxiib dhow la ah Puntland.
Madaxweyne Deni oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ayaa siimaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu uga sii gudbi doono magaalada Dubai.
Sida caadada ah, ma jirin mas’uuliyiin Puntlanad ah oo safarka dibada ku weheliya madaxweyne Deni, marka laga reebo xubno ka tirsan qoyskiisa.
Madaxweyne Deni ayaa marar badan safarro aan u jeedadooda la shaacin oo muddo qaatay ku aaday dalka Imaaraadka.
PUNTLAND POST