Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka oo sabti ah dib ugu soo laabtay caasimadda Garoowe, kaddib safar bil qaatay oo ugu maqnaa dalka dibadiisa, gaar ahaan dalka Imaaraadka Carabta oo saaxiib dhow la ah Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa ka hadlin safarka uu kaga yimid dalka Imaaraadka, wuxuuna la mid ah safarro badan oo aan wax faahfaahin ah laga bixin ujeedkooda oo madaxweynaha Puntland ku tagay dalkaas.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa berri Garoowe ka furi doona carwada buugaagta Puntland, kaddibna wuxuu u safri doonaa magaalada Kismaayo, halkaas oo uu kaga qaybgalayo shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka iyo dhameystirka golahaas.
PUNTLAND POST