Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daahfuray dhismayaasha cusub ee taliska guud iyo xarumaha Ciidanka Booliska Puntland ee Garowe, kuwaas oo ay maalgelisay dowladda Imaaraadka Carabta.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka qaybgalay taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire, guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Maxamed Baarri Shire, xubno ka tirsan saddexda gole ee dawladda, saraakiil sare oo ciidan iyo mas’uuliyiin kale.
Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa munaasabadda ku soo bandhigay heerarkii uu soo maray tan iyo aas-aaskiisii, iyada oo si faahfaahsan loo muujiyey horumarka laga sameeyey dhanka dhismaha hay’adaha, tayeynta ciidanka, iyo guulaha amni ee laga gaaray sugidda nabadda iyo kala dambeynta.
Madaxweynaha Puntland ayaa bogaadiyey dadaalka hoggaanka iyo saraakiisha Ciidanka Booliska, isagoo xusay in dhismayaashan cusub ay yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dowladnimada, amniga iyo kalsoonida shacabka. Waxa uu adkeeyey in dowladdu ka go’an tahay taageeridda iyo horumarinta hay’adaha amniga.
Ugu dambayn, Madaxweyne Deni ayaa carrabka ku adkeeyey in dhammaan gobollada Puntland laga hirgeliyey talisyada qaybaha booliska iyo saldhigyo casri ah, kuwaas oo u adeegaya baahida amni ee bulshada, isla markaana kor u qaadaya joogteynta nabadda iyo xasilloonida guud ee Puntland.













PUNTLAND POST