Ciidanka uu hoggaamiye Gen. Jimcaale Jamaac Takar ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni ka joojisay dhammaan xuquuqdii ay ku la haayeen.
Sidoo kale waxay ciidanka kumaandooska Danab ee fadhigoodu yahay magaalada Garowe sheegeen in xuquuq la’aanta loogu daray hanjabaadyo is daba joog ah.
Ciidanka Danab ayaa xusay in ay soo dhaweynayaan ciidamada cusub ee lagu wareejiyay ammaanka magaalada Garowe, maadaama ay yihiin ciidamo dhallinyaro aqoonyahano ah oo wax ka baddeli kara amniga caasimadda.
Ciidanka Danad iyo dowladda ayaa bishii June ee sanadkii 2023 ku dhex-dagaalamay magaalada Garowe, kaas oo sababay khasaare badan oo isu jiray naf iyo maal.
Dib u doorashadii madaxweyne Deni ayay heshiis gaareen madaxweyne iyo Gen. Jimcaale, balse muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa mar kale soo ifbaxayay khilaafka labada dhinac.

PUNTLAND POST