Kooxda argagixisada ah ee Daacish ayaa xalay saqdii dhexe weerar ismiidaamin ku qaaday saldhig ciidamada Puntland ku yeeliyiin togga Baallade ee buuraleyda Calmiskaad, gobolka Bari.
Weerarka ayaa waxaa ku dhintay ilaa 4 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland, sidoo kale waxaa ku dhawaacmay tiro kale, sida uu noo sheegay sarkaal ciidan oo intaas ku daray in kooxdii weerarka soo qaaday oo u badnaa Soomaali, intooda badan la dilay.
Weerarka ayaa ku soo aaday, xilli shalay taliyaha ciidamada difaaca Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi uu Baallade kula hadlay ciidamada, ayna kala qaateen waajibaadkii u dambeeyay oo lagu sifeynayo argagagxisada Daacish, sida ay sheegtay dowladda Puntland.
Hawlgalka ciribtirka argagixisada Daacish ee Hillaac ayaa weli si rasmi ah war uga soo saarin weerarka xalay dhacay togga Baallade ee lagu soo qaaday ciidamada Puntland.
PUNTLAND POST