Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo ka tirsan dowladda ku eedeeyay in ay caruur iyo haween ku dileen tuulada Yaaq-bariweyne oo u dhaw degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in ciidamada dowladda, gaar ahaan guutada 7-aad ee uu hoggaamiyo Axmed Gaashaan ay shalay Yaaq-bariweyne ku dileen 5 qof oo labo ka mid ah yihiin carruur da’doodu u dhexeyso saddex jir ilaa toban jir, midna yahay macallin dugsi.
Sidoo kale wuxuu sheegay in la dhaawacay afar haween ah, kuwaas oo uu tilmaamay in dhaawacooda loo soo qaaday magaalada Muqdisho.
Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan guutada 7-aad ayaa dhankooda sheegay in ay isbaaraystayaal ku dileen kuwana ku qabteen howlgal ay shalay ka fuliyeen deegaanka Yaaq-bariweyne ee degmada Wanlaweyn.
Degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa dhawaan ku dagaalamay labo maleeshiyo beeleed, kuwaas oo geystay falal arxan-darro ah, waxaana rag lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen falalkaas lagu diray xukun dil ah.
PUNTLAND POST