Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday maamulka Somaliland inuu xalliyo tabashada shacabka Boorama, iyada oo sheegtay in ay ka qayb qaadanayso taakuleynta dhaawacyada u baahan gargaar caafimaad.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu yiri “dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka xun tahay qalalaasaha rabshadaha wata ee ka dhacay gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama. Waxaan ugu baaqaynaa maamulka Somaliland in ay u turaan shacabka deegaanka, in la dhageysto lana ixtiraamo dareenkooda, isla markaana si mas’uuliyad leh loo xaliyo tabashada shacabka, lagana dheeraado ficil kasta oo xaaladda uga sii daraya”.
“Dowladda federaalka ah waxay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato taakuleynta dhaawacyada u baahan gargaar caafimaad” ayaa la raaciyay.
Magaalada Boorama waxaa weli ka socda mudaharaadyadii bilowday habeen hore, kuwaas oo sababay khasaare badan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti.

PUNTLAND POST