Deegaanka Guudoole oo ka tirsan degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa xalay dabley hubaysan ku dilay haweeney waayeel ah, sidoo kale ku dhaawacday labo wiil oo carruur ah.
Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Madiino Jimcaale Weheliye, waxaana dhacdadan fooshaxun la xiriirinayaa aano qabiil.
Galmudug ayaa weli ka hadlin dhacdadan naxdinta leh, iyadoo bulshada deegaanka ay ugu baaqeen maamulka in cadaalad loo helo, lana soo qabto kuwii ka dambeeyay falkaas.
Dhawaan ayaa sidaan oo kale degaankaaas lagu dilay haweeney iyo carruur ay dhashay, dhacdadaas oo uu maamulka Galmudug rag u soo qabtay, balse markii dambe la sheegay in maxkamadi dambigaas ku weyday.
Maahan markii ugu horreysay oo sidaan oo kale falal argagax leh oo la xiriira aano qabiil ay ka dhacaan deegaanada Soomaalida, balse kuwani waa kuwii ugu dambeeyay oo si weyn u dhaliyay carro badan oo bulsho.
PUNTLAND POST