Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Jabad-Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay in ka badan 550 xubnood oo ka tirsan Al-shaab, kuwaas oo 80 ka mid ah ay yihiin ajaanib.
Qoraal ka soo baxay shirkii maanta ee golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa lagu yiri “goluhu wuxuu bogaadiyay guulaha ay ciidamada qalab-sida ka gaarayaan dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada, gaar ahaan dagaalkii ka dhacay deegaanka Jabad-Godane, halkaas oo Khawaarijta looga dilay in ka badan 550 horjooge, kuwaas oo 80 ka mid ah ay yihiin ajaanib”.
Shirka Golaha ayaa dhanka kale lagu magacaabay guddi heer wasiir ah oo ka shaqayn doona la-dagaallanka tahriibka, kuwaas oo ka kooban lix wasaaradood iyo xafiiska xeer-Ilaaliyaha guud ee qaranka.
Golaha wasiirrada waxay ansixiyeen axdiga dhisidda hay’adaha caalamiga ah ee dhexdhexaadinta, oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha dibadda iyo xeer-nidaamiyaha diiwaangelinta gaadiidka badda, oo ay soo gudbisay wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda.
PUNTLAND POST