Qaar ka mid ah isimada dhaqanka beesha Daaraad oo ku shiray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari ayaa soo saaray dhowr qodob oo ay uga hadleen xaaladda dalka Soomaaliya.
Isimadan oo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse, uuna ka mid yahay Suldaan Siciid Maxamed Garaase waxay soo dhaweeyeen go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ku burisay dhammaan heshiisyadii ay hore u wada galeen Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.
Sidoo kale isimadu waxay dhaleeceeyeen go’aanka dhawaan Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland, waxayna tilmaameen in arrintan ay sii kordhin karto falalka argagixisada ee Geeska Afrika iyo marin biyoodka Gacanka Cadmeed.
Isimada waxay soo jeediyeen in haddii dalka ay ka dhici weydo doorasho qof iyo cod ah, dib loogu laabto tii 2012 oo ay 135 oday dhaqameed soo xulaan xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Isimadan ayaa maalmo ka hor magaalada Laascaanood kulamo kula qaatay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.



PUNTLAND POST