Kooxda Al-shabaab ayaa saaka weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday xero ciidan oo ku taalla deegaanka Jabad-godane ee duleedka degmada Warshiikh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Saldhiga ciidan oo ay daganaayeen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa koox ka tirsan Al-shabaab gudaha galeen, iyadoo la maqlayay qaraxyo is-xigxiga iyo rasaas culus.
Al-shabaab ayaa qoraal ay ku baahisay barahooda internet-ka waxay ku sheegeen in ay la wareegeen saldhigga ay weerartay, islamarkaasna ay dilaan 32 ka mid ah ciidankii halkaas ku sugnaa, qalab ciidana ay qaateen, sida ay hadalka u dhigtay.
Dowladda federaalka Soomaaliya weli dhankeeda kama hadlin weerarkan, hase yeeshee warar madax bannaan waxay tilmaamayaan in ciidamadu ay iska caabin xooggan sameeyeen.
Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara khasaaraha dhabta ah ee ka dhacay halkaas, iyadoo ay yar tahay wararka madax bannaan ee laga heli karo deegaankaas.
PUNTLAND POST