Abaar daran oo ka jirta deegaano hoostaga degmada Godobjiiraan ee gobolka Nugaal ayaa sababtay in dadka reer guuraaga ah ay soo wajahdo cunto iyo biyo la,aan.
Dadka ku nool deegaanka Godbo ayaa ka dayriyay xaaladda noloshooda iyo midda xoolahooda, waxayna sheegeen in baahida ay uga daran tahay biyo la’aan baahsan oo haysata.
Waxay sheegeen in deegaankooda uusan lahayn ceel-biyood, baraagaha oo ay isticmaali jireena ay gureen xilli hore, iyaga oo tilmaamay in booyada biyaha ah ay deegaanka ku timaado $150, taasna aysan awoodin.
Dadkan abaartu saameysay ee ku nool deegaanka Godbo oo hoostaga degmada Godobjiiraan ayaa gurmad ka codsaday dowladda Puntland iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga.
Hoos ka daawo dadka abaaraysan
PUNTLAND POST