Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ugu digay dalka Britain in uu xiriir ganacsi la sameysto dalka Shiinaha, taas oo uu ku tilmaamay arrinta khatar ku ah dalkaas.
Hadalka Trump wuxuu yimid kaddib markii la shaaciyay heshiisyo lagu kordhinayo ganacsiga iyo maalgashiga u dhexeeya dalka Britain iyo Shiinaha, kaddib kulamo dhexmaray Ra’iisul Wasaare Keir Starmer iyo Madaxweyne Xi Jinping.
Wasiirka ganacsiga Britain Sir Chris Bryant ayaa hadalka Trump ku tilmaamay qalad, wuxuuna sheegay in ay noqon lahayd waali buuxda haddii Britain ay iska indhatirto joogitaanka Shiinaha ee masraxa caalamka, isagoo sidoo kale xusay in Trump laftiisu qorsheynayo in uu booqdo Shiinaha bishii Abriil.
Heshiiska Hindiya & Yurub, booqashada Ra’iisul Wasaaraha Britain ee Shiinaha iyo iska caabinta caalamiga ah ayaa sii kordhinaysa welwelka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
PUNTLAND POST