Madaxweynayaasha Soomaaliy iyo Jabuuti Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta ka degay magaalada Jigjiga ee Dowladd Deegaanka Soomaalida.
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti waxaa lagu martiqaaday ka qaybgalka xaflad xariga looga jarayo mashruuc dhinaca dalxiiska ah oo laga hirgeliyay degmada Shabeelley ee duleedka magaalada Jigjiga, kaas oo uu xariga ka jarayo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalaya wafdi ka socda dowladda Imaaraadka, iyada oo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu maalmihii u dambeeyay ku howlahaa dhexdhexaadinta dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka oo xiriirkoodu dhawaan xumaaday.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay halkaas kaga wadahadli doonaan, sidii loo hagaajin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
PUNTLAND POST