Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay dib u bilaabayso howlihii gargaarka ee Soomaaliya oo ay dhawaan hakisay kaddib markii la jabsaday oo raashin lagala baxay bakhaarka keydka WFP ee Muqdisho.
Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay waaxda gargaarka ee wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa lagu caddeeyay in kaddib ballanqaadka ay bixisay dowladda Soomaaliya, Maraykanku dib u bilaabi doono qaybinta cunnada ee WFP, inkastoo ay wali socoto dib-u-eegis guud oo lagu sameynayo qaabka gargaarka Maraykanku u siiyo Soomaaliya.
Maraykanku wuxuu xusay in maamulka madaxweyne Trump uusan marnaba aqbali doonin in gargaarkiisa la xado ama meel kale loo leexiyo.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay maalin ka hor sheegtay in ay qaadatay mas’uulliyadda raashinkii lagala baxay bakhaarka keydka hay’adda WFP ee gudaha dekedda Muqdisho, islamarkaana ka xun tahay sida ay wax u dhaceen.
Sidoo kale waxay tilmaantay in ay dib u soo celisay agabkii iyo raashinkii lagala baxay bakhaarkaas, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibada.
PUNTLAND POST