Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Koongareeska Maraykanka kana soo gasha gobolka Minnesota ayaa xalay lagu weeraray kulan ay hadal ka jeedinaysay oo ka dhacayay Minneapolis.
Nin caddaan ah oo horteeda fadhiyay ayaa inta uu soo istaagay wax dareero ah oo la ogayn waxa uu yahay ku buufiyay, isaga oo isticmaalay irbad.
Ninka ayaa islamarkiiba la qabtay, waxaana muuqaal baahay lagu arkayay isagoo lagu dul fadhiyo iyo Ilhaan Cumar oo loogu baaqayo in ay goobta ka tagto, balse diidayso oo ku adkaysanaysa in ay hadalkeeda sii wadanayso.
Xildhibaan Ilhaan ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda X (hore loo oran jiray Twitter) ku sheegtay in ay fiican tahay, islamarkaana weerar lagu soo qaaday uusan ka cabsi gelinayn shaqadeeda.
Ilhaan Cumar waxa marka la weeraray ay cambaaraynaysay tallaabooyinka ay qaaday hay’adda socdaalka iyo hastamyada Maraykanka (ICE) ee ku sugan Minnesota.
PUNTLAND POST