Dalladda Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa beenisay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka oo lagu sheegay in bulshada rayidka ah ee Puntland lagala tashaday wax ka beddelka dastuurka.
PUNSAA waxay sheegtay in aysan marnaba qayb ka noqon wax ka beddelka cutubyadii hore kuwa harsan ee dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya.
PUNSAA waxay xustay in mowqifkeedu yahay kii ay soo saartay 30-kii March, 2024, kaas oo lagu sheegay in wax ka baddelka dastuurka uusan ku iman wadatashi iyo isla-ogol.
PUNTLAND POST