Maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegay in aysan jirin wax raad ah, saldhig ama joogitaan kooxo argagixiso oo ka jira guud ahaan deegaannadeeda.
Qoraal ka soo baxay Ciidanka Booliska Waqooyi Bari ayaa lagu ku beeniyay muuqaal lagu faafiyey baraha bulshada oo ay ka soo muuqdeen koox wejiyada duubtay oo sheegtay in ay ku sugan yihiin Laascaanood, ayna ka tirsan yihiin Al-shabaab.
Ciidanka Booliska Waqooyi Bari waxa uu xusay in uu xaqiijiyay in muuqaalkaas lagu farsameeyey Garaadka Macmalka Ah (AI) looguna talagalay sumcad-dil, cabsigelin bulsho, iyo marin-habaabin amni oo ka dhan ah magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada Waqooyi Bari.
Booliska Waqooyi Bari waxa uu shacabka ugu baaqay in ay ay ka feejignaadaan wararka been abuurka ah ee khalkhalka gelin kara amniga, islamarkaana ay meel uga soo wada Jeensadaan cid walba oo ku howlan sumcad dilka deegannadooda.

PUNTLAND POST