Iyada oo weli uu socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku dhuumaleysanaya buuraha Calmiskaad ayaa sidoo kale waxaa weli jira duqaymaha dalalka shisheeye ay ka gaysanayaan halkaas.
Puntland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in todobaadkan uu Maraykanka halkaas ka fuliyay duqeymo, tii ugu dambeysayna ay 24 saac ka hor ka dhacday aaga ceelka Bukuuje ee togga Baalade.
“Duqeymo ay fullinayaan saaxiibada dowladda Puntland ee Maraykanka ee taageeraya howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa lagu beegsaday todobaadkan xirxadka argagixisada Daacish, kuwii u danbeeyay waxay 24- saac kahor ka dhaceen aaga ceelka Bukuuje ee togga Baalade, Calmiskaad” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska warfaahinta howlgalka Calmiskaad.
“Duqeymaha cirka iyo go’doonka ay ciidankeennu dhulka ka geliyeen firxadka argagixisada, waxay noqdeen firxadkii wax la dilay, wax lagu dabo jiro iyo kuwo isi soo dhiiba. Howlgalkuna waa soconaya inta firxadka u danbeeya lasoo afjarayo” ayaa la raaciyay.
Puntland waxay maalmo ka hor soo bandhigtay maxaabiista ajaanibta ah ee argagixisada Daacish looga qabtay howlgalka Calmiskaad, kuwaas oo u kala dhashay dalala Turkiga, Sacuudiga, Itoobiya, Morooko, Yemen, Siiriya iyo Tansaaniya.
PUNTLAND POST