Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ay weli leeyihiin xiriirkii diblomaasi iyo wadashaqeyntii xagga safaaradaha ee labada dal.
Wasiir Daa’uud wuxuu xusay in keliya la joojiyay heshiisyadii dhanka amniga iyo difaaca labada dal, isaga oo go’aankaas ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo lagu badbaadinaayay dadka iyo dalka.
Daauud Aweys Jaamac oo sii wata hadaladiisa ayaa sheegay in taageerada Imaaraadka ay u fidiyeen Soomaaliya iyo dhibaatooyinka ay geysteen ay aad u badan tahay waxyeelada ay badeen dadka iyo dalka, hase ahaatee ma caddeyn waxyeeladdaas.
PUNTLAND POST