Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir wadatashi ah ugu yeertay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ee Muqdisho.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay cusuumaad rasmi ah u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay tilmaantay in shirkaasi uu furmi doono 1-da bisha soo socota ee Febraayo, islamarkaana uu ka dhaci doono magaalada Muqdisho.
Xukuumadda Federaalka waxay qabanqaabada shirkaas u xilsaartay wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud, iyadoo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay dhankooda soo magacowdaan cid ku matasha qabanqaabada shirka.

PUNTLAND POST