Dowladda Puntland ayaa markii ugu horreeyay ka hadashay sida ay ka yeeli doonto maxaabiista ajaanibta ah ee laga qabtay kooxda argagixisada ah ee Daacish intii uu socday dagaalka Calmiskaad.
Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi gaar ah siisay BBC-da ayaa sheegay in maxaabiistan loola dhaqmi doono siyaabaha ay ku dagaallameeyeen iyo mid walba waxa uu aaminsan yahay.
”Waxaa laga yeelayaa waxa dambiilayaasha laga yeeli jiray, iyagoo loo eegayo awooddiisa, keebaa askari kaliya ahaa, keebaa ahaa qof la soo khalday oo ka shallaayaya, keebaa mabaadii’ ahaan u aaminsanaa oo madax ahaa oo maamulayay” ayuu yiri wasiir Caydiid.
Puntland waxay maalin ka hor soo bandhigtay maxaabiista ajaanibta ah ee argagixisada Daacish looga qabtay howlgalka Calmiskaad, kuwaas oo u kala dhashay dalala Turkiga, Sacuudiga, Itoobiya, Morooko, Yemen, Siiriya iyo Tansaaniya.
Maxaabiistan oo tiradooda gaaraysay konton, waxaa bar ka mid ah ay u dhasheen dalka Soomaaliya deriska la ah ee Itoobiya, sida ka muuqata shax ay soo bandhigay dowladda Puntland.
Dalka Morooko ayaa liiska kaalinta labaad kaga jira, waxaana ka soo muuqday ku dhawaad tobon xubnood oo dalkaas u dhashay, halka Yemen iyo Tansaaniya ay ku jiraan kaalimaha ku xiga.
Qaarada Yurub waxaa kaga jira dalka Turkiga oo ay ka soo muuqdeen labo xubnood oo dalkaas u dhashay, sidoo kale dalalka Khaliijka waxaa ka soo muuqday hal xubin oo Sacuudiga u dhashay.
PUNTLAND POST