Safiirrada dalalka Turkiga, Sucuudi Careebiya, Suudaan iyo ayaa diblomaasiyiin kale ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood, kuwaas oo ka qaybgalaya caleemo-saarayo saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye.
Sidoo kale waxaa magaalada Laascaanood gaaray wafdi ka socda dowladda Kenya oo uu hoggaaminayo xildhibaan Faarax Macalin. kuwaas iyaguna ka qaybgalaya munaasabadda caleemosaarka madaxweyne Firdhiye.
Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa isaguna soo gaaray Laascaanood, isagoo ku biiraya munaasabadda caleemosaarka madaxda Waqooyi Bari oo saacadaha soo socda dhacaysa.
PUNTLAND POST