Ciidamo tikniko ku hubaysan ayaa caawa weeraray saldhigyo dhexe ee magaalada Garowe, kuwaas oo doonayay in ay labaxaan labo nin oo la soo xiray, waxaana muddo saldhiga iyo agagaarkiisa ka socday rasaas xoogan.
Inta la xaqiijiyay waxaa dhacdadan ku dhaawacmay labo ka mid ah ciidamadii saldhigga soo weeraray, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay istibaalka guud ee magaalada Garowe.
Dhacdadan waxay markii hore ka bilaamatay howlgal ay ciidamada booliska Garowe ka sameeyeen magaalada, kaas oo la sheegay in uu sababay dhaawaca hal nin iyo qabashada labo kale.
Inkastoo ciidamada ammaanka Garowe aysan weli hadlin dhacdadan, hadana wararka qaar waxay sheegayaan in ciidamada soo weeraray saldhiga ay ka mid yihiin daraawiishta Puntland.
PUNTLAND POST