Dowladda Shiinaha ayaa lacag dhan hal milyan oo doolar ($1,000,000) ku wareejisay dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo ay ugu talagashay abaaraha ba’an ee ka jira dalka.
Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Wang Yu ayaa maanta deeqdan lacageed ku wareejiyay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA).
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in deeqdan ay gacan ka geysan doonto dardargelinta adeegyada gurmadka degdegga ah, gaar ahaan gaarsiinta raashin, biyo nadiif ah iyo adeegyo muhiim u ah dadka nugul ee ay abaaruhu si daran u saameeyeen.
Soomaaliya waxaa jira abaaro saameeyay malaayiin qof, waxaana ka mid ah deegaannada ay sida ba’an uga jiraan Puntland iyo Jubaland.
PUNTLAND POST