Rasaas ayaa maanta laga maqlay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, xilli uu ka dhoofayay madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Wararka ayaa sheegaya in Muuse Biixi oo u safrayay dalka Imaaraadka Carabta loo diiday in uu garoonka diyaaradaha Cigaal lagalo ciidan dharcad ah iyo gaadiid, sidaasna ay rasaas ku dhacday. Muuse Biixi waxa uu markii dambe garoonka ku galay lug, iyada oo la sheegay in qolka VIP-da loo diiday.
Xoghayihii madaxweynihii hore ee Somaliland Mubaarak Taani oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in ay is-hortaag ku sameysay safarka Muuse Biixi, isagoo falka garoonka ka dhacay ku tilmaamay mid argagaxiso oo ay ka bixin doonaan jawaab degdeg ah.
Sidoo kale xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Kulmiye iyo Kaah ayaa cambaareeyay falka ka dhacay garoonka diyaaradaha Cigaal, iyagoo ku eedeeyay xukuumadda Cirro.
Xukuumadda Somaliland ayaa weli ka hadlin falka maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa iyo eedeynta dhankeeda loo jeedinayo.
PUNTLAND POST