Garoowe (Faallo PP) — Doodda in Garoowe “noqotay” goof waxaa aloosay Faysal Rooble, oo dhowaan magaalada ku yimid booqasho. Macnaha ereyga goof hadda wuxuu leeyahay macne siyaasadeed: degmo ama magaalo ay beel sheegato inay leedahay ama ku badan tahay. Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, ayaa nasiib u heshay inay noqoto magaalo beelaha Soomaalida oo dhan deggan yihiin, inkastoo laga soo billaabo 1991kii, ay noqotay magaalo degmooyinkeeda hab beelo ku salaysan loo kala degay ama la iskaga barakiciyay colaadihii sagaashamaadkii awgood.
Garoowe weerarka lagu hayo sumcaddeeda wuxuu billowday 2023kii markii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ku guuldarraystay inuu darooshooyinkii degmooyinka ka qabto caasimadda Puntland. Puntland waxaa xeer siyaasadeed aan qornayn u ah (aa) in doorashooyinka laga tanaasulo haddii siyaasigu ku guuldarraysto inuu doorasho ka qabto qeybo ka mid ah Puntland oo ay dowladdu ka taliso. Waa go’aankii uuu Cabdiraxmaan Faroole qaatay 2013kii markii dad hubeysan degmada Qardho ay kaga hor yimaadeen qorshihisii ka hirgelinta Puntland hab xisbiyo ku salaysan.
Madaxweyne Deni wuxuu ku adkaystay inuu doorasho qof iyo cod Puntland ka qabnayo 2024kii, laakiin arrintaasi uma suurtaggalin. Dhexdhexaadintii ay sameeyeen madaxdhaqameedka Sool Diseembar 2023kii ayay, Alle mahaddi, Puntland kaga badbaadday colaad siyaasaeed. Dadku way ka qaxayeen Garoowe ka hor inta aan Deni lagu qancinin inuu doorashada madaxtooyada ku dhacdo hab ku salaysan 66 xildhibaan, oo isagaba lagu soo doortay 2019kii.

Ilaa adda Madaxweyne Deni ma qaadin wax tallaabo uu dad badan kaga saarayo in beesha Garoowe ku badan ay diiddan tahay habka dimuqraaddiyeynta. Wuu og yahay in habka dimuqraaddiyeyntu hirgalo marka saamilayda siyaasaddu ku heshiiyaan; ma aha hab ku salaysan caano isku shubid siyaasadeed (political self-coronation).
Garoowe waa magaalo caasimad u ahayd gobolka Nugaal ka hor inta aan la samaynin gobolka Sool 40 sano ka hor. Waa mid ka mid ah sababaha ay ugu habboonaatay inay noqoto caasimadda Puntland 1998kii. Ma jirto degmo Soomaaliyeed oo aysan beel u badnayn. Dhowaan Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisal Wasaare hore, ayaa ku dooday in Garoowe ay noqon weysay magaalo, sida Muqdisho iyo Hargeysa, talo beel ka dhexeysa lagu hayo.
Garoowe waxay dhibbane u tahay go’aammada hadba madaxweynaha talada haya oo qaata go’aammo lid ku ah danaha dadka Puntland meel kasta oo ay joogaan. Garoowe ma soo xusho xildhibaannada Baarlamaanka Puntland; oday dhaqameedyada ayaa soo xula oo raalli ka ah in xildhibaannadu awr-kiraayaal siyaasadeed u ahaadaan madaxweynaha talada haya. Xaq ma aha in fashilka ku yimid hab siyaasadeedka Puntland dusha laga saaro Garoowe, dadka oo og in talada siyaasadda iyo dhaqaalaha ay ku jirto gacanta Madaxweyne Deni, sida ay ugu jirtay madaxweynayaashii ka horreeyay. Madaxweyne Deni wuxuu kaga duwan yahay madaxweynayaashii ka horreeyay waa isaga oo raalli ka ah in meel looga dhaco sumcadda Garoowe iyadoo la xiganayo shiribkii “Haddaad ka guurtay Geeddi-xeer, Garoowe goof ma kuugu yaal?”
© Puntland Post, 2025