Senator Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ku matala Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Puntland in ay go’doomisay deegaannada Tisjiic iyo Balli-Doog oo hoostaga degmada Boosaaso.
Senator Majiino ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu aad uga xun yahay in dad wajahaya xaalad abaareed, mid colaadeed iyo mid dhaqaale-xumo lagu soo roga go’doomin.
“Waxaan aad uga xumahay in, iyadoo lagu jiro xaalad abaareed, mid colaadeed iyo mid dhaqaale-xumo, ay dowladda Puntland go’doomin kusoo rogto deegaannada nabadda ah ee Tisjiic iyo Balli-Doog, oo ay ku barakaceen dadkii kasoo qaxay goobaha lagula dagaalamayo argagixisada. Dowladda Puntland waxaa saaran mas’uuliyad ku aaddan ilaalinta amniga, nolosha, iyo xuquuqda muwaadiniinta” ayuu yiri Senator Majiino.
Senator Majiino ayaa ugu baaqay dowladd Puntland in ay si degdeg ah uga qaaddo cunaqabataynta deegaannada Tisjiic iyo Balli-Doog, islamarkaana loo oggolaado dadka deegaanka in ay si nabad ah u wataan noloshooda.
Ugu dambeyn wuxuu u soo jeediyay dowladda Puntland in ay la timaado qorshe amni oo badbaadinaya nolosha dadka, islamarkaana dammaanad qaadaya in hawlgallada socda aanay keenin dhibaato bani’aadantinimo.
PUNTLAND POST