Garoowe (Faallo PP) — Dhowr bilood ka hor mar kulan aqoon-is-weydaarsi ah uu ka dhacayay Xarunta Cilmibaarista iyo Horumarinta ee Puntland (PDRC), magaalada Garoowe, nin baa kulanka ka hor si hoose u yiri: “ Puntland waxaa meesha ay taallo dhigay kleptocracy.” Dhaliishiisu kuma saabsanayn maamulka hadda ka jira Puntland; wuxuu dhaliilayay hab siyaasadeedka Puntland oo dhan.
Jeebtalisnimo (kleptoctacy) waa habsiyaasadeed ku salaysan awood aan lala xisaabtamin oo ku jirta gacanta siyaasiyiinta heerar kala duduwan, ha ugu badnaato awoodda ku jirta gacanta Madaxweynaha. Waa awood ku salaysan sida talisku u maamusho khasnadda dadweynaha. Jeebtalisnimo way ka saameyn weyn tahay lunsasho. Lunsasho waxaa laga hadlaa marka uu jiro sharci ka dhowraya Madaxweynaha iyo dadka ku dhowdhow inay awoodda siyaasadda ka hantiyaystaan, ugu qaraabo-kiilaan dadka ay is xigaan ama ugu sadburiyaan kooxaha ka caawiya jiritaanka jeebtalisnimada.
Jeebtalisku waa kelitalis iibsada taageerada dadka. Wuxuu ujeeddooyinkiisa u maraa waddo kasta, dil, dhac, magacdil, fursad u diidis iwm. Waa habka Puntland muddo dheer ka jiray oo heshiis lagu yahay in ninka talada siyaasadda haya uu haysto khasnadda dowladda. Natiijadu waxay noqotay saboolnimo, colaado soo noqnoqda, lunsahada hantida dadweynaha (hanti ma guurto iyo mid guurto ah) iyo leexsashada lacagta ka soo xeroota shatiyada kalluumaysiga lagu bixiyay magaca dowladda Puntland.
Qofka jeebtaliska ku dhaqma waxaa la yiraahdaa jeebtaliye (kleptocrat). Wuu ka duwan yahay lacagtaliye (plutocrat) waayo lacagtalisnimadu (plutocracy) waa hab iibsada dowladda iyo xildhibaannada si loo dejiyo sharciyo dhowra danaha maalqabeenka. Jeebtalisnimo waa erey u dhigma ereyga af Ingiriiska ah kleptocracy. Ereygani (kleptocracy) wuxuu xiriir la leeyahay ereyga kleptomania oo ah xaalad caafimaaddaro maskaxeed oo qofka u keenta inuu jecel yahay xadista wax uusan u baahnayn: wax-xadis-jeceyl. Nin qareen sare ka ah dalka Biritayn ayaa laga daweeyay wax-xadis-jeceyl. Wuxuu dhakhtarka cilminafsiga u sheegay in markuu, tusaale ahaan, dukaan wax ka iibsanayo uu sii xado nacnac, buskud ama wax kale oo u dhow inta dukaanluhu uu meel kale ku sii jeedo. Qareenku wuxuu sheegay in dukaammada badankood ay leeyihiin kameerado 24 saac shaqeeya (CCTV) oo laga yaabo in dukaanlaydu sawirkiisa ku soo saaraan warsidaha ku saabsan dukaan-xadayaasha (shoplifters). Wuxuu sheegay inuusan u baahnayn waxa uu xadayo laakiin uusan iska celin karin inuu xado wax uusan u baahnayd. Talobixin caafimaad oo dheer kaddib qareenka sare wuu ka bogsooday cudurka wax-xadis-jeceylka.
Jeebtaliyayaasha Soomaaliya waxaa haya wax-xadis-jeceyl. Jeebtaliyuhu kama daalo inuu lacagta dadweynaha lunsado isaga oo og in aan lala xisaabtami karin waayo hab sharciga ka sarreeyaa ayuu wax ku maamuulaa. Meesha sharcigu sarreeyo lunsadaha (qofka lunsaday lacagta dowladda) waa lala xisaabtamaa, laakiin meesha aan lunsade lagula xisaabtamin waxaa ka jira jeebtalisnimo. Jeebtaliye wuxuu sababaa saboolnimo iyo colaado muddo dheer socda. Waa hoggaamin dulleynta dadka ku salaysan oo dadku gacmahooda ku samaysteen, kuna baabi’in karaan haddii ay sidaas go’aansadaan.
© Puntland Post, 2025