Beijing (Wararka PP) — Dalka Shiinaha ayaa aad horumar uga sameeyay tartanka Garashada Sancaysan (AI). Sababta ugu muhuumsani waa koronto jaban oo la isku hallayn karo. Hababka Garashada Sancaysan iyo xarummaha macluumaadku waxay u baahan yihiin koronto aad u badan. Dalka Maraykanka sicirka korontada kor ayuu u kacay, gaar ahaan meelaha ay ku yaallaan xarummaha macluumaadka (data centres). Qiimaha korontadu wuxuu kor ku kacay 267% shan sano gudahood.
Dalka Shiinaha ayaa sameeyay ilo korontada laga dhaliyo oo ku salaysan qorraxda, dabaysha iyo biyaha. Adeegyada tamar bixinta ee Shiinaha ayaa kordhay, dowladduna waxay taageertaa shirkadaha iibiya koronto jaban. Siyaasaddan tamarta waxaa ka faa’iiday shirkadaha Garashada Sancaysan ee Shiinaha. Koronto jaban waxay shirkadaha Shiinaha u fududaynaysaa inay tababbaraan habab Garashada Sancaysan ah oo heerkoodu sarreeyo. Qarashka tamarta oo aad u sarreeya ayaa sababa in horumarka shirkadaha Garashada Sanycaysan ee Maraykanku uu gaabinayo.
© Puntland Post, 2025