Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa magacaabay Guddiga Nabadda iyo Wadaxaajoodka, kaas oo ka kooban 7 xubnood.
Guddigan ayaa la filayaa in ay bilaabaan wadahadallo u dhexeeya maamulka Waqooyi Bari iyo Somaliland, gaar ahaan sidii labada dhinac isu dhaafsan lahaayeen maxaabiista ku kala diran Laascaanood iyo Hargeysa.
Magacaabista guddigan ayaa timid xilli ay Laascaanood ku sugan yihiin Garaad Kulmi Garaad Wiil-Waal oo hore ugu jiray wadahadal dhexmara labada dhinac iyo Jaamac Shabeel oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland hore na u sheegay in uu soo dayn doono maxaabiista ku xiran Laascaanood.
Guddiga Nabadda iyo Wadaxaajoodka Waqooyi Bari ayaa kala ah;
1. Saleebaan Cabdi Ducaale – guddoomiye
2. Cabdalle Aadan Cabdi – guddoomiye ku-xigeen
3. Cabdi Sahal Maxamed Jaamac – xoghayn
4. Cabdikariin Xasan Jaamac – xubin
5. Jaamac Xasan Ibraahim – xubin
6. Maxamuud Mire Kalce – xubin
7. Cabdalle Axmed Maxamed – xubin.

PUNTLAND POST