Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysa ka hadashay dilkii caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi oo Maraykanku ku dilay meel dhow Badhan 13 Sebteembar 2025.
Wasiirka gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi oo ay Senator Saynab Tiinbiye oo matasha Sanaag wax ka weydiisay dilka caaqilka ayaa sheegay in maamulka deegaanka duqeyntu ka dhacday uu yahay kan mas’uulka ka ah xogaha sirdoon ee lala wadaago saaxiibada caalamiga ah, taasoo uu ula jeeday in xogta lagu beegsaday caaqilka laga yaabo in laga helay Puntland.
Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay warbixinta dhacdadan ka heshay baraha bulshada, kaddib markii dadka deegaanka ay faafiyeen sawirrada gaariga caaqilka ee duqeynta lala beegsaday.
Wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku sameyneyso dhacdadaas, kaddib su’aasha laga weydiiday cidda mas’uul ka ahayd weerarka caaqilka iyo sababta loo beegsaday.
Saldhigga AFRICOM ayaa hore u sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo basaasiin u jooga Soomaaliya ay ka caawiyeen dilka Cumar oo Maraykanku uu si aan sal iyo baar lahayn ugu eedeeyey inuu hub sharcidarro ah u soo iibin jiray Al-shabaab.
PUNTLAND POST