Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in lixdii bilood ee u dambeeyay ay dalka ka dhaceen 220 duqeymood oo lagu dilay 868 xubnood oo ka tirsanaa kooxaha Al-shaab iyo Daacish.
Dowladda Soomaaliya waxay xustay in duqeymahaas oo ka dhacay inta u dhaxaysa Jubbada Hoose, Mudug, Sanaag iyo Bari xubnaha lagu dilay ay ku jireen 52 hoggaamiye.
“Lixdii bilood ee la soo dhaafay waxaa la gaystay 220 duqeymood, kuwaas oo laga qaystay Jubbada Hoose, bariga Mudug iyo buuraha Sanaag & Bari” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo maanta hortagay Aqalka Sare ee Baarlamaanka. Wuxuu intaas ku daray “waxaa lagu dilay 868 xubnood oo kooxaha argagixisada ah, kuwaas oo ay ku jireen 52 hoggaamiye”.
Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in duqeymaha sanadkan dhacay iyo tirada lagu dilay ay ka badan yihiin kuwii labada sano ee la soo dhacay.
Hoos ka daawo muuqaalka Fiqi
PUNTLAND POST