Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay kiis kufsi ah oo dhawaan ka dhacay degmada Xingalool oo ka tirsan gobolka Sanaag ee Puntland.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa si adag loogu cambaaraysay fal arxan darro ah oo lagula kacay gabar yar oo 11 jir ah, kaas 30-kii Oktoobar ka dhacay degmada Xingalool.
Wasaaradda ayaa sheegtay in falkan yahay mid ka dhan ah bni’aadanimada, isla markaana si cad u burinaya xuquuqda carruurta ee ay u leeyihiin in ay ku noolaadaan busho nabad ah oo ka xor ah tacaddiyada iyo xadgudubyada.
Dowladda Federaalka ayaa uga mahadcelisay maamulka iyo ciidanka Booliska Puntland dadaalka ay muujiyeen ee ku aadan qabashada eedeysanayaal loo haysto kiiskan, iyadoo ku boorisay hay’adaha caddaaladda in eedeysanayaasha si degdeg ah loo hor keeno sharciga.
Dhanka kale Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraysay falal kala duwan oo lagula kacay hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, kuwaas oo ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug.
PUNTLAND POST