Puntland iyo Jubland ayaa soo gudbisay min laba xubnood oo ku metalaya guddida farsamada ee dhammaystirka qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee dhawaan lagu dhisay Nayroobi.
Puntland ayaa labada xubnood u magacowday Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanad iyo Caarshe Maxamed Siciid, halka Jubaland ay u magacowday xildhibaan Cabdirashiid Jire iyo Saahid Qodhob. Madasha Samatabixinta ayaa labadadeeda xubnood hore ugu magacowday xildhibaan Cabdilaahi Xaaji Abukar iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).
Guddigan ayaa dhawaan qabanqaabinaya shirka koowaad ee Golaha Mustqablka ee Soomaaliyeed oo la filayo in uu midkood ka dhaco Garowe iyo Kismaayo.
Shirkaas ayaa lagu dhammeystiri doonaa dhammaystiro qaab-dhismeedka golaha, sidoo kale waxay uga arrinsan doonaan go’aannada ay ka qaadanayaan xaalada kala guurka ah ee dalka, sida ay ku sheegeen bayaankii Nayroobi ee ay soo saareen bishii Oktoobar.
PUNTLAND POST