Puntland ayaa waaran soo qabasho ah u jartay saddex nin oo ka ganacsada Aargoosatada, kuwaas oo lagu eedeeyay in jabiyeen go’aan dowladdu hore uu soo saartay.
Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa soo saartay amarka lagu soo xirayo saddexda eedeysane oo loo haysto in ay jabiyeen go’aan dowladdu ku xirmaysay jilaabashada Aargoosatada.
Dhanka kale wasiirada kalluumeysiga Puntland Cabdirisaaq Xagaa oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xirmayntii Aargoosatada ee ku ekeyd ilaa 31 December, ay weli sideedii u taagan tahay, ciddii arrintaas jabisana la horkeeni doono sharciga.
Sidoo kale Taliyaha Booliska Puntland oo arrintan ka hadlay ayaa tilmaamay in ay soo qaban doonaan ganacsatada waaranta loo jaray, isagoo uga digay dadka ka jilaabta Aargoosatada in ay jabiyaan go’aan dowladda.
PUNTLAND POST