
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka Ganacsiga DFS, Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) ayaa galabta tegey magaalada Laascaanood.
Wasiir Geesood oo warbaahinta la hadlay ka hor inta aanu tegin Laascaanood ayaa sheegay in uu dib ugu laabanayo degaannada uu matalo ee gobolka Sanaag, islamarkaana waxaa uu qorshaha safarkiisa ku sheegay dhammaystirka Maamulka SSC-khaatumo.
Wasiir Maxamuud Geesood ayaa tilmaamay in uu doonayo in gobolka Sanaag oo ka tirsan Puntland lagu daro Maamulka SSC-khaatumo, si loo dhammaystiro shuruudaha maamul-buuxinta Khaatumo oo Villa Somalia ku xirtay in ay Sool iyo Sanaag isku biiraan.
Socdaalka mas’uuliyiinta uu hoggaaminayo wasiir Geesood ayaa imaanaya xilli maalmahan xiisad siyaasadeed ka taagan tahay degaannada gobolka Sanaag, halkaasi oo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland ka wado dhaq dhaqaaqa ku biirista SSC-khaatumo.
Dhinaca kale, siyaasiyiinta u dhashay Sanaag iyo Highland ee xilalka ka haya Puntland ayaa magaalada Badhan ka wada shirar ay la qaadanayaan odayaasha iyo waxgaradka degaanka, si ay uga hortagaan dhaq dhaqaaqa gobolkaasi loogu darayo SSC-khaatumo.
PUNTLAND POST