Hal qof ayaa dhintay midna waa ku dhaawacmay shil ka dhashay gaari iyo gaari-dameer oo xalay saqdii dhexe ka dhacay wadada gasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Shilka waxaa ku dhintay wadihii gaari-dameerka, halka uu dhaawac soo gaaray darawalkii gaariga iyo dameerkii.
Darawalka gaariga oo la sheegay in uu isku dayay in uu baxsado ayay gacanta ku dhigeen laamaha ammaanka oo ka agdhawaa goobta shilku ka dhacay, sidoo kale laamaha ammaanka waxay la wareegeen meydka marxuumka shilka ku dhintay.
Magaalooyinka Soomaaliya waxaa marar badan xiliyadda habeenkii ah ka dhaca shilal gaari oo khasaare gaysta, waxaana arrintan inta badan lala xiriiriyaa maandooriyaha khamriga oo kusoo badanaya gudaha dalka.
PUNTLAND POST